Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa shaaca ka qaaday in hub shalay lagu qabtay deegaanka Shiilo Madow ee gobolka Galgaduud uu dhibaato weyn ku yahay xasiloonida gobolka iyo nabadda Soomaalida.
12 qof ayaa lagu dilay Isniintii bartamaha Soomaaliya oo ay ku jiraan labo askari kadib markii ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah ay ku dagaalameen labo gaari oo hub ah oo si sharci darro ah looga keenay xadka Itoobiya.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa sheegay in hubka sharci darrada ah ee lagu qabtay Galguduud uu yahay mid ka dhashay cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya si deg deg ah looga qaaday, go’aan uu ku tilmaamay mid lagu degdegay.
“Waa qalad aad u weyn in cunaqabateynta hubka laga qaado dal uusan ka jirin dowlad sharci ah iyo mid siyaasadeed, oo aan sugi karin xuduudihiisa, isla markaana aan laheyn maamul mideysan, dadkiisa ma heshiin” ayuu yiri Wasiir Juxa.
Wasiirka Cadaaladda Puntland, Maxamed C/wahaab, ayaa Dowladda Federalka ku eedeeyay inay isku dayday inay dagaalo sokeeye ka dhex huriso Puntland iyo Galmudug. Waxa uu ku andacoodey in hadafka laga leeyahay uu yahay in laga fogaado in laga doodo arrimaha doorashooyinka iyo isla xisaabtanka, si Madaxweyne Xasan Sheekh uu awood ugu yeesho muddo kororsi.
“Hubkii ku dhamaaday gacanta bulshada reer Caabudwaaq waxa uu qeyb ka yahay dhagarta iyo dagaalada sokeeye ee ay Dowladda Federaalka ka wado Mudug iyo Galgaduud, hubkan waxaa la doonayay in lagu qalqal geliyo nabadda Puntland iyo Galmudug”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.
Puntland ayaa horay u sheegtay in mudadii labada sano ahayd ee uu xilka hayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kordheen colaadaha iyo is aamin-la’aanta beelaha wada dega.
Dowladda Soomaaliya ma aysan sheegin tirada hubka, balse sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa VOA-da u sheegay in hubkan ay isugu jireen laba gaari oo isugu jira kuwa DshK iyo PKM qoryaha fudud ee AK-47 bastoolado iyo rasaas. Wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegtay in ciidamada nabadsugidda dowladda ay hubkaasi kala wareegeen “Dadka sida sharci darrada ah uga ganacsanayey hubka, isla markaana ay galbinayeen markii maleeshiyaad hubeysan ay isbaaro dhigteen oo ay dhexda u galeen. Sida uu sheegay sarkaalkan, maleeshiyaadkii deegaanka ayaa ka awood roonaaday ciidamada dowladda, kaddib markii ay ka heleen ciidamo beeleed.
Bishii December ee sannadkii hore Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka qaaday cunno-qabteynta hubka ee saarnayd tan iyo sannadkii 1992-kii. Dagaalada ka dhanka ah al-Shabaab iyo ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

