Monday, May 25, 2026
HomeUncategorizedPuntland oo goob fagaara ah ku bur burisay khamri farabadan

Puntland oo goob fagaara ah ku bur burisay khamri farabadan

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka qeyb galay Burburinta 624 Dhalo Khamri ah iyo Gubida Xashiish aad u farabadan.

Ciidamada Booliska degmadda Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa howlal ay sameeyeen gacanta ku dhigay Mandooriye iskugu jira Khamri iyo Xashiish Gaarigii lagu waday iyo dadkii watay.

 

 

Khamrigan ayaa ahaa 34 Kartoon iyo afar duub oo Xashiish ah kuwaasi oo la rabay in la galiyo Burtinle ee gobolka Nugaal, hayeeshee Ciidamada ammaanka ay ka hortageen.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay ciidamada booliska Burtinle oo shaqadan culus qabtay, isaga oo sidoo kale bulshada ugu baaqay inay laamaha amaanka la shaqeyaan si aafadan looga hortago.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xuseen Cali ayaa shahado sharaf gudoonsiyay Taliyaha saldhiga Burtinle,Ku xigeenkiisa iyo sarakiisha kale isagoona sheegay in ciidamada la abaal marin doono

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe