Friday, June 5, 2026
HomeWararGudahaPuntland oo cambaareysay dullaan lagu qaaday guryaha madaxdii hore ee dalka

Puntland oo cambaareysay dullaan lagu qaaday guryaha madaxdii hore ee dalka

Maamulka Puntland ayaa si adag u cambaareeyay dullaan ay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qaaday guryaha ay deggen yihiin qaar kamid ah madaxweynayaashii iyo ra’iisul wasaareyaashii hore ee dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Wasiirrada Puntland, oo uu guddoominayay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa lagu sheegay in Puntland ay walaac xooggan ka muujinayso xaaladda siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay jiraan falal ay ku tilmaantay sharci-darro oo lagu beegsanayo siyaasiyiin mucaarad ah iyo madax hore.

Puntland ayaa si gaar ah u cambaareysay weerarro lagu qaaday guryaha Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, iyadoo ay sheegtay in mas’uuliyadda dhacdooyinkaas ay dusha saareyso Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Puntland ayaa ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha, xarigga iyo cadaadiska lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan Muqdisho.

Maamulka ayaa sheegay in xal waara oo laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed uu ku jiro wada-hadal iyo heshiis degdeg ah oo laga gaaro arrimaha doorashooyinka Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, si looga hortago sii socoshada qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Puntland oo cambaareysay dullaan lagu qaaday guryaha madaxdii hore ee dalka

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe