Home Warar Netanyahu oo si qarsoodi ah Sacuudiga kula kulmay Maxamed Bin Salmaan

Netanyahu oo si qarsoodi ah Sacuudiga kula kulmay Maxamed Bin Salmaan

144

Sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dalka Israa’iil, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa si qarsoodi ah ku tagay dalka Sacuudi Carabiya xilli aysan labada dhinac midkood shaacin safarkaas.

Benjamin Netanyahu ayaa kulan qarsoodi ah la qaatay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan kaddib markii uu Axaddii booqasho ku tegay dalkaas.

Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo waxyaabaha looga hadlay kulankaas, balse warbaahinada qaar ayaa sheegaya in ujeedka kulanka uu ahaa sidii Sacuudiga looga dhaadhacsiin lahaa inay xiriir la yeelato maamulka Yahuuda.

Kulanka ayaa waxaa la sheegay inuu sidoo kale goob joog ka ahaa xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo.

Topaz Luk oo ah ta taliyaha Netanyahu ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal u muuqday in lagu xaqiijinayo kulanka qarsoodiga ah ee dhex maray Maxamed Bin Salman iyo Netanyahu.

Maamulka Trump ayaa isku dayayay in Sucuudiga uu ka dhaadhiciyo inuu heshiis la galo Israa’iil kaddib markii qaar kamid ah dalalka carabta ay heshiis nabadeed la galeen Israa’iil kaas oo dib loogu soo celinayo xiriirkii kala dhexeeyay.

Dowladda Sacuudiga ayaa laga yaabaa inay kusoo biirto wadamada aqoonsaday Israa’iil maadaama culeys badan ay kala kulmeyso Mareykanka iyo Israa’iil.