Monday, June 29, 2026
HomeWararMW Mareykanka Joe Biden oo Ukraine u diiday in uu siiyo Diyaaradaha...

MW Mareykanka Joe Biden oo Ukraine u diiday in uu siiyo Diyaaradaha F-16.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si cad u sheegay in Dalkiisa aanay Ukraine siin doonin Diyaaradaha Dagaalka ee Casriga ah ee F-16 si ay uga hortagaan duullaanka xooggan uu Ruushka ku qaaday Dalkaas.

Joe Biden oo Suxufiyiinta ay weydiiyeen in Dowladdiisa oo Ukraine muddooyinkii u ballanqaadeysay gantaallada difaaca iyo saanad militari in ay qayb ka tahay diyaaradda Nooca dagaalka ee Casriga ah ee F-16 ayaa si cad meesha uga saaray in uu bixinaayo.

Arrintaan ayaa loo arkaa in ay niyadjab xooggan ay ku tahay Dowladda Ukraine oo ku howlan sidii ay u heli lahayd gacan militari si ay u hesho hubka casriga ah, diyaaradaha, Taangiyada ay u baahan yihiin ciidankeeda si ay isaga difaacaan Ruushka.

Jarmalka & waddamo kale oo Reer Yurub ah ayaa Ukraine horay ugu diiday in ay siiyaan taangiyada casriga ah, Diyaaradihii ugu dambeeyay ee lasoo saaray & hubka awoodda u leh in uu qabto gantaallada ama burburaya.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa waddamada reer galbeedka si cad u weydiistay kaalmo militari oo dhammeystiran si guusha u muuqa ay u gaarto Dowladdiisa oo la xarbineysa iska caabbinta Ciidamada Ruushka iyo kooxaha gacansaarka la leh.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe