Thursday, April 18, 2024
HomeWararMuxuu yahay walaaca Ismaaciil Cumar Geelle ka qabo codaynta Soomaaliy?

Muxuu yahay walaaca Ismaaciil Cumar Geelle ka qabo codaynta Soomaaliy?

Madaxweynaha Jamhuuriyada dhacda geeska Afrika ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in doorashada nagu soo aadan ee Soomaaliya lasoo dooran doono xildhibaano si dadban ay u maamulaan xoogga hubaysan ee Al Shabaab.

Geelle oo wareysi siinayay wargayska The Afrika Report ayaa yiri “Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa in ay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa in ay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada”

Wuxuu intaas ku daray in saameynta Al Shabaab ay sii fiday isla markaana ay canshuur ka qaadayaan ganacsatada iyo sidoo kale in ay xeryaha qaxootiga ay ka qorayaan dhalinyarada shaqo la’aanta ah sida uu ku sheegay Waraysiga uu bixiyay.

Jabuuti ayaa ka mid ah dowladdaha taageera muuqda siiya Soomaaliya gaar ahaan howlgaladda ka dhan ah dagaalamayaasha Al Shabaab, inkastoo oo uu hoos u dhacay Xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti ka dib markii Xukumadda Muqdisho heshiis la saxiixatay Eritrea oo muran xuduudka ah kala dhexeeyo Jabuuti.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe