Thursday, April 18, 2024
HomeWararMuxuu madaxweyne Cagjar ka yiri siyaasadda Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya?{AKHRISO}

Muxuu madaxweyne Cagjar ka yiri siyaasadda Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya?{AKHRISO}

Madaxweynaha gobolka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay siyaasadda Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya iyo isbeddelka ka dhacay dalkaas tan iyo markii uu xukunka la wareegay Abiy Ahmed, bishii April ee 2018.
Mustafe Cagjir oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in isbaddelka ka dhacay Ethiopia uu deeggaanka Soomaalida u horseeday, badhaadhe iyo xorriyad ballaadhan, sida uu hadalka u dhigayn
Waxa uu intaas ku daray in xisbiga Barwaaqo ee haya tallada Ethiopia, kaasi oo dhowaan un la dhisay uu guul ka gaari doono doorashooyinka ka dhacaya dalkaasi bartamaha sannadkan.
Mustafe ayaa dhinaca kale sheegay in aanay jirin wax faragelin ah oo dowladda Ethiopia ay haatan ku hayso dalka Soomaaliya, inkasta oo uu qiray in dowladihii hore ee Ethiopia ay si weyn faraha ugula jireen arrimaha Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa xaqiiq ah in faro-gelina Ethiopia ee Soomaaliya ay iminka la mid tahay sidii ay aheyd sanado badan, ayada oo ciidamada dalkaas uu madaxweyne Farmaajo u adeegsado inuu ku weeraro maamul goboleedyo ay ka mid yihiin Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Madaxweyne Mustafe ayaa dhanka kale si weyn u dhaleeciyay maamulkii dowladdu weerartay ee TPLF oo uu sheegay in ay dhibaato xoog leh ku hayeen dadka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay diyaar u yihiin sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen dalalka ku yaalla bariga si loo dhameeyo dhibaatooyinka kala duwan ee ay wajahayaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe