Saturday, June 27, 2026
HomeWararka MaantaMuqdisho oo maanta lagu qabanayo Shir looga hadlayo arrimaha Bani aadamnimada Soomaaliya.

Muqdisho oo maanta lagu qabanayo Shir looga hadlayo arrimaha Bani aadamnimada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmaya shir looga hadlayo arrimaha Bani aadamnimada Soomaaliya, waxaa ka qaybgalaya madax ka kala tirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Wasiirada Gargaarka bani aadamnimada & marti kale oo lagu casuumay.

Shirka ayaa la isaga xog-wareysanayaa xaaladda dalka ka jirta gaar ahaan dhanka Bani aadamnimada si loo helo qorshe siyaasadeed mideysan oo lagu wajahayo wax ka qabashada dhibaatooyinka taagan.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigayaa Warbixin guud oo ka tarjumeysa heerka bani aadamnimo ee Soomaaliya, dedaalka Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Kaalmada DFS ay ka heshay dhinacyada taageerada u muujiyay.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay waddamada ugu badan ee Liiska dhibaatooyinka bani aadamnimo ka jiraan kaddib markii abaar, colaad & fatahaad ay isugu darsantay sanadihii u dambeeyay sida lagu sheegay warbixinno kala duwan oo ay soosaareen Hay’ado caalami ah iyo kuwo aan dowli ahayn.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe