Friday, June 19, 2026
HomeWararDibaddaMidowga Yurub oo sheegay in uu kaalin ka qaadan doono xasillinta deegaannada...

Midowga Yurub oo sheegay in uu kaalin ka qaadan doono xasillinta deegaannada laga qabsaday AS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.

Kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxa ay wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta taageerada ku aaddan dhinacyada amniga, xasillinta, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulankaa.

Danjire Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Soomaaliya, iyada oo intaa raacisay in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab.

Johansson oo dhawaan loo soo magacaabay Safiirka Midowga Yurub September 18, 2023 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ku sugnaa xilligaas ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe