Thursday, February 13, 2025
HomeWararMidowga Europe Oo Ka Digay Khilaafka Khaliijka In Uu Saameeyo Soomaaliya

Midowga Europe Oo Ka Digay Khilaafka Khaliijka In Uu Saameeyo Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ka digay in khilaafka ka dhex jira waddamada Khaliijka Carabta uu saameyn ku yeesho dadaallada nabadda ee ka socda Bariga Afrika.

Alexander Rondos, oo ah ergeyda Midowga Yurub u qaabilsan Gobolka Bariga Afrika ayaa sheegay in khilaafka soo billowday Sanad ka hor ee Waddamada Carabta ay muuqato saameynta uu ku yeeshay waddamada kale ee Gobolka Bariga Afrika.

Alexander Rondos,ayaa ka digay in khilaafka diblmaasiyadeed ee Carabta uu wiiqo dadaallada Beesha Caalamka ka waddo Soomaaliya sida amniga iyo dib u dhiska dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in Midowga Yurub uu ka walaacsanyahay khilaafka u dhaxeeya dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah,kuwaas oo laftooda la kala saftay dhinacyada Carabta.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Koofurta Suudaan iyo Burundi ay ka midyihiin dalalka ay saameynta ku yeelan karto khilaafka khaliijka Carabta.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe