Wararka naga soo gaaraya Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay dib u billaabatay colaad u dhaxeysa Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee deriska ah.
Mas’uuliyiinta ismaamulka Oromada Itoobiya ayaa ku eedeeyay dhinaca Soomaalida in ay billaabeen dilka,Barakicinta iyo dhibaateynta dadka Oromada ah ee deggan Sohdinta labada Maamul.
Tan iyo 23kii Bishan May 4 Qof ayaa la dilay iyada oo dab la qabadsiiyay in kabadan 250 Guri oo ay lahaayeen dadka Oromada ah,waxaana ismaamulka arrintaas ku eedeeyeen Ciidanka LiyuuBoolis loo yaqaan ee hoostaga Madaxweynaha dowlad Degaanka Soomalida Itoobiya.
Sidoo kale 30 Iskuul ayaa la sheegayaa in ay xirmeen kaddib markii dadkii wax ka baranayay ay ka mid noqdeen Barakacayasha Oromada ee degaannadooda sohdina dhaca uga cararay colaadda Labada maamul u dhaxeysa.
Labada Maamul waxaa u dhaxeysa Sohdin gaareysa 900 oo Mayl,waxaana meelaha hadda colaadda ka billaabatay ee laga barakacay ka mid ah degmada Cinaksan.
Barnaamij laga siidaayay VOA qeybteeda Afaan Oromoo,ayaa lagu sheegay in colaadda cusub uu gadaal ka riixayo madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar,kaas oo ay ku eedeeyeen in uu dhul ballaarsi ka sameynayo degaannada Oromada maamusho.
DHinaca ismaamulka wali kama hadlin eedaha loo soo jeediyay,waxaa jirtay Dhamaadkii sanadkii  hore ilaa billowgii sanadkan in boqollaal qof iska dileen labada dhinac sidoo kalena ay ku barakaceen dad ka badan 1.6 Milyan oo qof oo labada dhinac ah colaadda u dhaxeysa darteed.
Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya AbiyeAxmed ayaa bishii la soo dhaafay kaddib magacaabistiisii waxa uu booqashadii ugu horreysay ku tagay Jigjiga halkaas oo uu madaxda Ismaamulka Somalilada kala hadlay joojinta colaadda kala dhaxeysa Oromada,waxaana uu safarkii labaad ku tagay ismaamulka Oromada oo uu arrintan kala hadlay.
Ilaa hadda ma cadda sababta dib u soo celisay colaadda labada Maamul iyada oo dhinaca Oromada ay eedda saarayaan Madaxweynaha ismaamulka Somalida.