Home Warar Mid kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo is casilay{AKHRISO}

Mid kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo is casilay{AKHRISO}

150

Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowlad goboleedka Puntland, Maxamuud Xaaji Saalax ayaa iska casilay xilkii Wasiirnimo, isaga oo si rasmi ah warqadda is casilaada ugu gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Sababaha uu isku casilay Wasiirka ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxweynaha Puntland ay isku fahmi waayeen Nidaamka shaqo ee Wasaaradda Kalluumeysiga, taas oo ku dhalisay in uu xilka ka tago.

Majirin faah faahin kale ee uu ka bixiyay sababaha keenay in uu is casilo, hayeeshee warar soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayaan in maalmihii la soo dhaafay uu jiray khilaaf xoogan oo dhex jiray Wasaaradda, taas oo sababtay in gacan ka hadal uu ka dhaco gudaha Xarunta.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka is casilaada oo uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland.