Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, meydka nin la garan waayay oo jirkiisa ay rasaas ka muuqato ayaa saakay lagu arkay xaafada Cali Turcaaye ee degmadaasi, gaar ahaan aagga Masjidka Qaliil.
Dadka degaanka ayaa warbaahinta qaar u xaqiijiyay nin Da’diisa in lagu qiyaasay 30 sano, saakay markii hurdada laga soo tooseyna lagu arkay xaafada Cali Turcaaye, iyada oo ilaa hadda aad ay u hadal hayaan dadka degaanka.
Waxaa la sheegay qaybaha sare ee jirkiisa ninkan inay rasaas kaga tiilay, lamana oga cida ku dhufatay xabadaha uu u dhintay ruuxaasi, oo dadka degaanka ay garan waayeen.
Dhacdooyinka nuucaan oo kale ah ayaa horey uga dhacay magaalada Muqdisho, waxaana arrintan inta badan sabab u ah amni darada mararka qaar ka jirta magaalada.