Sunday, April 20, 2025
HomeBarnaamijyadaMaydka Wiil dhalinyaro ah oo lagu arkay xeebta Magaalada Marka

Maydka Wiil dhalinyaro ah oo lagu arkay xeebta Magaalada Marka

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay saaka maydka wiil dhalinyaro ahaay.

Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa la sheegay inay badda qaatay laba cisho ka hor, islamarkaana la waaayay maydkiisa, balse saaka la arkay badda oo soo tuftay maydka, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Allaha u naxariistee wiilkaan ayaa ka mid ahaay dhalinyarada ku nool Magaalada Marka, waxaana uu dabaal u aadi jiray Xeebta Magaalada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay halkaasi ka soo qaadeen maydka wiilka dhalinyarada ah, islamarkaana Magaalada gudaheeda la geeyay.

Allaha u naxariistee wiilka dhalinyarada ah ee badda ay qaaday, kadibna soo tuftay ayaa da’ ahaan lagu qiyaasay inuu jiro 20 illaa 18 jir.

Xilliyada qaar oo ay kacsan tahay badda ayaa waxaa dhacda dhalinyarada u dabaal taga inay badda qaata, mana jirto cid gurmad heegan la’ah oo badbaadisa dhalinyaradaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe