Friday, April 19, 2024
HomeWararMaxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta la soo taagayo dad loo heysto kufsi...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta la soo taagayo dad loo heysto kufsi & dil

Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa la filayaa in Maxkamadda Gobolka Banaadir la soo taago dad isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo loo heysto kufsi iyo dil loogu geystay Magaalada Muqdisho Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax.

Falka kufsiga & dilka ah ayaa Xamdi Maxamed Faarax waxaa loo geystay 12-kii Bishii Sitember, kadib markii sida la sheegay la kufsaday lagana soo tuuray hotel ku yaalla Xaafadda Maajo ee Degmada Waaberi.

Booliska Soomaaliya ayaa kal hore sheegay in falka kufsiga & dilka ah ee loo geystay Xamdi Maxamed Faarax loo qabtay 11 ruux, kuwaas oo maxkamad la horgeyn doono.

Sidoo kale waxaa jirtay in 15-kii Bishii Sitember ee sanadkaan Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud laga soo qabtay Nin ku eedeysan falka kufsiga & dilka ah, kaas oo qirtay in Xamdi uu isaga Hotelka ku balamiyay, hayeeshee uusan dilka wax ka ogeyn.

Dhowr jeer ayaa waxaa Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyay dad ku eedeysan falka kufsiga & dilka ah ee loo geystay Xamdi Maxamed Faarax, waxaana Maanta lagu wadaa in kiiskaas la soo geba-gabeeyo.

Shalay Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay qaar kamid ah Ehellada Xamdi Maxamed faarax, kuwaas oo ugu baaqay Maxkamadda gobolka Banaadir in ay si Cadaalad ah u maraan kiiska Xamdi Maxamed Faarax.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe