Tuesday, June 2, 2026
HomeWararDibaddaMaxkamadda ciidamada qalabka sida oo xabsi daa'in ku ridday labo dagaalame oo...

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xabsi daa’in ku ridday labo dagaalame oo katirsanaa AS.

Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ayaa maanta oo sabti ah waxay Maxamed Cali Xuseen Buundo iyo Cali Suleymaan Ibraahim oo ka tirsan AS ku ridday xabsi daain ah.

Labadan xubnood ayaa bishii May ee sanandkan lagu qabtay howlgallo laga sameeyay degaano hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, xilli uu socday wajigii 1aad ee howlgalkii lagu xorayayay qeybo kamid ah Galmudug.

Maxamed Cali Xuseen Buundo iyo saaxiibkiis Cali Suleymaan Ibraahim ayay maxkamaddu sheegtay inay kasoo qeyb qaataan dagaaladii lagu xoreeyay degaanada maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Maxamed Cali Xuseen Buundo ayaa shaqooyinkiisii ugu dambeeyay waxay ahayd inuu qaado maydadka AS ee ku dhinta dagaalada Dowladda, halka Cali Suleymaan Ibraahim uu qaabilsanaa keydinta hubka.

Dabayaaqadii bishii July ee sannadkan ayay billaabatay dhegaysiga maxkamadayntooda, iyadoo maanta ugu dambayn maxkamaddu ay go’aan ka gaartay dambiyadda loo haystay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe