Saturday, August 8, 2026
HomeWararGudahaMaxkamad ku taalla Kenya oo Nin lagu helay in uu katirsanaa Al-Shabaab...

Maxkamad ku taalla Kenya oo Nin lagu helay in uu katirsanaa Al-Shabaab ku xukuntay 115 sano xabsi ah

Maxkamadda Kahawa ee Dalka Kenya waxa ay ku dhawaaqday xukunka Ibraahim Xuseen Xasan oo lagu soo oogay 7 dacwad oo mid weliba sanad dheer ku xusan marka lagu fuliyo, waxaana wadarta xukunkaas ku dhacay uu gaarayaa 115 sano oo xabsi ah.

Sida uu dhigayo Sharciga Kenya, waxa ugu dheer ee qofka lagu xukumi karo waa 20 sano, sidaas awgeed Ibraahim oo la qabtay sannadkii 2022 waxaa la sii daynayaa 2042ka isaga oo sidaas ku qaadan doonno muddada 20ka sano ah.

Xafiiska Xeer ilaalinta Kenya ayaa Maxkamadda horgeeyay 10 marqaati, muuqaallo laga helay teleefanka eedeysana, caddeymo kale oo muujinaya adeegsiga hub iyo katirsanaanta Al-Shabaab sida lagu sheegay bayaanka la horgeeyay Maxkamadda.

Dacwad ooguhu wuxuu maxkamadda u sheegay in baaritaan farsamo oo lagu sameeyay telefoonka gacanta ee laga helay eedaysanaha uu muujiyey muuqaalada ay ku jiraan barnaamijyo xagjir ah oo ku saabsan qorista, radikalaynta iyo tababarka argagixisada.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa Ibraahim Xuseen Xasan ku amartay in uu qaato barnaamijka loogu magac daray ka saarista Xagjirnimada si uusan dib ugu laaban falka loo qabtay marka uu soo dhammaysto muddada uu xirnaanayo sida hadalka loo dhigay.

Xabsiyada Kenya waxaa ku jira Dhallinyaro ku eedeysan in ay xubin ka noqdeen Al-Shabaab kuwaas oo qaarkood lagu qabtay howlgallo ka dhacay Xadka Dalkaas uu la wadaago Soomaaliya, waxaa kale oo xiran Dad kale oo la qabtay iyaga oo usoo tallaabaya Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe