Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa aroornimadii hore ee saaka gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug, xilli ay maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka jireen deegaamo katisan gobolka Mudug.
Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa lala xiriirinayaa u kuurgelidda xaaladda guud ee gobolka Mudug, daafhurka mashaariic horumarineed, dhagax dhigga kuwa cusub iyo dhammaystirka qorshaha la wareegidda ciidankii federalka ee la go’aamiyey inay ku biiraan kuwa difaaca Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu Magaalada Gaalkacyo kula kulmo Odoyaasha Dhaqanka, Saraakiisha Amniga, Maamulka Gobolka Mudug iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladaas.
Dhanka kale, ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddo ku sugnaa Gobolka Mudug ayaa u guuray dhanka Dowlad-goboleedka Galmudug, kadib markii Puntland la wareegtey xeryihii ciidamada PSF ee Galkacyo iyo Boosaaso, iyadoo qaybaha kale ee ku biiray DFS loo qabtay inay isku dhiibaan muddo kooban.
Waxaa sidoo kale soo dhammaaday muddadii labada maalmood ahayd ee ay Puntland u qabatay ciidamada ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Puntland inay is dhiibaan, waxaana dadaalo u socdaan dowladda iyo qaar kamid ah waxgaradka gobolada Nugaal, Mudug iyo Bari.

