Home Warar Maxay tahay sababta loo kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed?{AKHRISO}

Maxay tahay sababta loo kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed?{AKHRISO}

186

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, isagoo magacaabay Guddi Kumeel gaar ah oo ka socda Shirkadaha Ganacsiga.

Guddiga KMG ee la magacaabay ayaa isugu jira Guddoomiye, labo Kuxigeen iyo 30 xubnood ka kala socda Shirkadaha Ganacsiga dalka.

Sababaha loo kala diray Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu sheegay dib u habeyn lagu sameeyo rugta iyo arrimo kale.

Guddiga Kumeel gaarka ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sii wadaya xil howleedka Ganacsiga iyo diyaarinta doorasho maamul hufan oo ay yeelato Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed muddo ku siman 60 cisho.

Qoraal kasoo baxay  Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliya oo la ogeysiiyay Wasaaraddaha Ganacsiga Dowlad goboleedyda, dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed, Hanti dhowraha qaranka, Dhamaan Rugaha Ganacsiga Soomaaliyeed, Hay’daha amniga dowlada,  Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha ayaa lagu kaal diray Rugta Ganacsiga & warshadaha Soomaaliyeed.

Horay ayaa Maamulka gobolka Banadir waxaa uu u kala diray Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, iyada oo tallaabadaas lagu sheegay in ay la xiriirto sababo dhanka Amniga ah iyo ku milanka xoogga hubaysan ee Al Shabaab.

Halkan hoose ka akhriso