Tuesday, April 14, 2026
HomeWararDagaal culus oo ka dhacay gobolka Gedo & faah faahin kasoo baxeysa

Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Gedo & faah faahin kasoo baxeysa

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Kenya oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu ka dhacay degmo ka tirsan Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degmada Ceelwaaq oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland.

Dadka degmada Ceelwaaw ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay maadaama inta badan Saldhigyada Ciidamada aan loo dhawaan Karin.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya intii uu dagaalka socday ay rideen tiro hoobiyeyaal ah, kuwaas oo ku dhacay duleedka degmada Ceelwaq, kuwaas oo aan geysan wax khasaaro ah.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo kama hadlin dagaalka ka dhacay degmada Ceelwaaq, waxaana lagu soo waramayaa in Maanta Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe