Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa dalka Zambia kula kulmay mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas oo ay ku kala xog-qaateen xaaladda ay ku nool iyo midda dalka ka jirta.
Saalax Axmed Jaamac ayaa ugu horreyn xog ka siiyay mas’uuliyiintaan xaaladda ka jirta Soomaaliya, Dedaalka Xukuumadda Federaalka ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ & Kaalinta looga baahan yahay qorba-joogta.
Dhankooda Jaaliyadda waxa ay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac la wadaagaan xaaladdooda sida ay tahay, haddii ay jiraan dhibaatooyin ay ku qabaan Zambia iyo rejada ay ka leeyihiin dib ugu soo laabashada Dalka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed ayaa Dalka Zambia u tegay ka qaybgalka shir-madaxeedka 22aad ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika ee loosoo gaabiyo COMESA oo qodobo muhiim ah looga hadlay.
Markii uu shirkaas dhammaaday kaddib waxa uu la kulmay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia si ay u kala xog-qaataan isagana wareystaan xaaladda dalka ka jirta, sida ay u nool yihiin iyo taageerista Dowladda Federaalka.