Wednesday, September 23, 2026
HomeWararGudahaMaxay ka wada hadleen Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya?

Maxay ka wada hadleen Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa Kenya, Musalia Mudavadi, intii uu socday Shirka Madasha Shiinaha iyo Afrika.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda hay’adaha dastuuriga ah iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Kenya waxay mar kale caddeysay taageerada ay u hayso midnimada Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la dedejiyo shirarka Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah (JCC) si loo horumariyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiir Dhaay ayaa uga mahadceliyay Kenya kaalinta ay ku leedahay nabad ilaalinta Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ku leedahay howlgalka ATMIS.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe