Friday, June 19, 2026
HomeWararDibaddaMaxaa kasoo baxay shirka looga hadlay Amniga Magaalada Muqdisho?

Maxaa kasoo baxay shirka looga hadlay Amniga Magaalada Muqdisho?

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay shir looga hadlay Ammaanka Caasimadda oo ay ka qaybgaleen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Booliis, Mas’uuliyiin katirsan Dowladda & Saraakiil kale.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo guddoomiyay Shirkaan ayaa Hay’adaha qaabilsan sugidda nabadgalyada Caasimadda ugu baaqay in ay kordhiyaan howlgallada ay wadaan.

Kulamada la isaga xog-warreysanayo amniga Caasimadda, howlgallada Ciidamadu wadaan iyo waxyaabaha soo kordha ayuu sheegay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka in ay joogto u dhacayaan.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in rugaha kala duwan ee Ciidamada ammaanka ku sugan yihiin in xoogga la saaray adkeynta amniga Magaalada Muqdisho oo isbaddel muuqda uu ka jiro lana sii kordhin doonno howlgalladaas socda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe