Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii 2-aad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo uu ka wado abaabul ka dhan ah kooxda Al-shabaab, waxaana magaalada ka socda abaabul xooggan oo arrintaas la xiriira.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo madaxweyne Qoorqoor ayaa kulamo la leh waxgaradka beelaha deegaanadooda ay maamulaan kooxda AS, waxaana laga hadlayaa inay ogolaadaan duqaynta xagga cirka ah ee lagu weerarayo kooxda nabad diidka ah, islamarkaana ay shacabka ay digniino siiyaan.
Dhinaca kale kulamada ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa taakuleynta ciidamada xoogga dalka, beel walbana ay u keeni laheed macawisley ciidanka ka caawisa aqoonta deegaanka, iyadoo sidoo kale laga doonayo beelaha inay xoolo loo qalo ciidanka ay diyaariyaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si KMG ah ugu guuray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka hagayo dagaalka ka dhanka ah AS, si saraakiisha ciidanka loogu cadaadiyo inay dagaalka si buuxda u galaan.

