Saturday, March 22, 2025
HomeBarnaamijyadaMaxaa ka jira in Ahlu Sunna beeca uga baxday Xaaf

Maxaa ka jira in Ahlu Sunna beeca uga baxday Xaaf

Maxaa ka jira in Ahlu Sunna beeca uga baxday Xaaf

Wasiirka arimaha gudaha Somaliya ayaa lagu wadaa in beri uu gaaro magaalada Dhuusamareeb

Wararka caawa soo baxaya ayaa sheegaya in wasiirka arimaha gudaha la balansan yahay madaxda maamulka Ahlu Sunna oo u horeeyo Macalin Maxamuud

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inuu jiro isku soo dhawaansho Ahlu Sunna iyo dowlada dhexe balse lama ogo inuu jiro heshiis rasmi ah oo Ahlu Sunna ku ogolaatay in la qabto doorashada Galmudug

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ahlu Sunna loo ogolaaday dalabyo ay hor dhigeen dowlada dhexe islamarkaana saxiixayaan ka qeybgalka doorashada Galmudug

Xaaf oo maanta tagay Dhuusamareeb ayaa u guuri doona Gaalkacyo hadii Ahlu Sunna heshiis la gasho dowlada faderaalka sida ay sheegayaan dad ku dhow Xaaf

Sikastaba wasiirka arimaha gudaha ayaa beri ku wajahan Dhuusamareeb sida ay sheegeen ilo wareedyo wasaarada ah

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe