Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inuu Maalinta oo talaado ah uu Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose uu ka daah furo mashruuc ku kacaya 83 Milyan oo Euro.
Mashruucan ayaa loogu talo galay in lagu kaalmeeyo mashaariicda horumarinta ee gobollada dalka oo dhan,waxaana loogu magac daray Mashruuca Horumarinta Dhaqaalaha Maxaliga ah.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Jubbaland Aaden Ibrahim Aw-Xirsi ayaa sheegay in mashruucaas uu ka kooban yahay Saddex qeybood oo waweyn oo kala ah xasilinta iyo dowlad wadaaga, Dhismaha iyo taageerida Golayaasha deegaanka iyo tayeynta nolosha iyo Shaqa abuurka Dhalinyarada.
Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka in mashaariicdaas laga fulin doono dalka oo dhan,isla markaana Jubbaland ay qoondo gaar ah ku leedahay, hayeeshee uu sheegay in loo wajahayo hadba sidii loo mareyn karo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre Ayaa Wali Ku sugan Magalada Kismaayo Waxaan uu Daafuri Doonaan mashaariicdaas ,sidoo kalena ay goobjoog ka noqon doonaan Mas’uuliyiin ka socota Beesha Caalamka iyo Dowlad Goboleedyada.