Home Warar Duulimaayadii Diyaaradaha Boeing 737-Max8 oo la hakiyay.

Duulimaayadii Diyaaradaha Boeing 737-Max8 oo la hakiyay.

64

Wadamada iyo Shirkada isticmaalada Shirkadda diyaaradaha Boeing 737-Max 8, ayaa dhamaan hakiyay duulimaadyadii ay sameyn la haayeen diyaaradahaasi, kadib markii shalay ay soo dhacday diyaarad nuuca Boeing 737-Max 8 ah oo ay la heyd shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo ay ku dhinteen 157 qof.

Wadamadda Ethiopia, China, Canada iyo wadamo kale ayaa amray in la hakiyo duulimaayada shirkadaasi, sidoo kale shiradaha Ethiopian Airlines iyo Cayman Airways, ayaa joojoyay duulimaadyadii ay sameyn la haayeen.

Waa shilkii labaad oo muddo billo gudahood ah ku yimaada diyaaradaha nuuca Boeing 737-Max 8.

Shilkii kan ka horeeyay ayaa dhacay bishii October ee 2018, kadib markii diyaarad nuuca Boeing 737-Max 8. oo ay la heyd shirkadda diyaaradaha Lion Air, ay ku burburtay dalka Indonesia taasoo ay ku dhinteen 189 qof.