Sunday, June 21, 2026
HomeWararDibaddaMasar oo xaqiijisay in la bilaabay waddo cusub oo isku xiri doonta...

Masar oo xaqiijisay in la bilaabay waddo cusub oo isku xiri doonta Qaahira, Muqdisho iyo Jabuuti.

Dowladda Masar ayaa lagu wadaa in ay duulimaad toos ah ka bilowdo Qaahira ilaa Muqdisho si ay dib ugu soo cusbooneysiiso suuqii duulimaadyada caalamiga ahaa ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirkadda diyaaradaha ee dalka Masar ee Egypt Air oo war saxaafadeed soo saartay ayaa ku dhawaaqday inay bilaabayso duulimaadyo ay ku tagayso magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxayna soo saartay wargelin ku saabsan duulimaadkeeda si kor loogu qaado ganacsiga.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee shirkadda Egypt Air ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay isaga kala gooshi doonaan magaalooyinka Qaahira, Muqdisho iyo Jabuuti.

“War farxad leh! Diyaaradda Egypt Air ayaa bilaabaysa duulimaad cusub oo ay ku tagi doonto Jabuuti iyo Muqdisho. Soo ogow dhaqamada iyo muuqaalka meelahan cajiibka ah.” ayaa lagu yiri bayaan ay shirkaddu soo saartay.

Sidoo kale waxaa ay intaasi ku dartay in Duulimaadyadooda ay bilaaban doonaan laga bilaabo 11-ka July ee sanadkan, waxaana ay tagi doonaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sida qoraalka lagu sheegay diyaaradahoodu waxay ka duuli doonaan Qaahira labadii maalmoodba mar, iyagoo soo gaari doona Muqdisho, ka dibna ku hakan doona Jabuuti.

“Laga bilaabo Luulyo 11, 2024, diyaaradeenu waxay ka duuli doontaa Qaahira Khamiis kasta iyo Sabtida waxayna u duuli doontaa Muqdisho kadibna Jabuuti.” Ayuu hadalkiisa ku daray

Shirkadda Duulimaadyada ayaa ku dhawaaqday in tallaabadan ay sare u qaadayso ganacsiga kala dhexeeya Soomaaliya, sidoo kalena ay dabooli doonto baahida ka jirta marinkaas, ayna sare u qaadi doonto xiriirka caalamiga ah ee labada dal.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Soomaaliya waxaa ka socday diyaarado caalami ah kuwaasi oo hadda ka soo degaya garoonka Aadan Cadde una duuli jiray dalal kale oo caalamka ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli shirkadda diyaaradaha ee flydubai ay ku dhawaaqday in ay joojinayso shaqadeedii ay ku tagi jirtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho laga bilaabo Juun 11 2024 oo shalay ahayd.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe