Monday, August 24, 2026
HomeWararDibaddaMarkab Militari oo uu leeyahay Mareykanka oo kusii jeeda Gaza.

Markab Militari oo uu leeyahay Mareykanka oo kusii jeeda Gaza.

Markab militari oo Mareykan laga leeyahay ayaa u socda dhanka Bariga Dhexe, isagoo sida qalab lagu dhisayo marin ku meel gaar ah xeebta Gaza, sida ay ciidamadu sheegeen.

Markabkan oo lagu magacaabo General Frank S Besson, ayaa Sabtidii kasoo shiraacday xero ciidan oo ku taal gobolka Virginia.

Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu sheegay in Maraykanku uu dhisi doono dekedd kumeel gaar ah si uu gacan uga geysto gargaarka marinka Gaza ee dhinaca badda.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Gaza ay macluul ku soo fool leedahay, caruurtuna ay gaajo u dhintaan.

Gargaarka dhulka iyo cirka lagu geyn jiray waxay noqdeen kuwo adag oo ay khatar badan ka dhalatay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe