Home Warar Maleeshiyaad ku dagaalamay Gobolka Galgaduud oo la kala qaaday

Maleeshiyaad ku dagaalamay Gobolka Galgaduud oo la kala qaaday

184

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimada Cabdiraxman Cali Mohamed (Geedaqorow) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka Caasimada Cabdi Xaashi Caroole, iyo saraakiisha Ciidamada qalabka sida qaybahoda kala duwan ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan maleeshiyaad ku dagaalamay degaanka Xananbuuro oo hoostaga degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Kuan gaar ah oo dhex-maray Maamulka Caasimada Galmudug, saraakiisha Ciidamada dowladda iyo Odayaasha dhaqanka labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay ayaa lagu guuleystay in hehsiis horudhac ah la kala dhex-dhigo abada beelood Ciidamadana la kala qaado.

Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ayaa kormeeray  dhamaan dhufaysyadii labada dhinac ay isku hor-fadhiyeen  markii laga saaray dhinacyada ishayay si loo xaqiiyo kala qaadida mileeshiyaadka.

Degaanka Xananbuuro oo hoostaga degmada Cabudwaaq ayaa waxaa amaankiisa la wareegay Ciidamada Galmudug iyo kuwa Federaalka ee kahowlgala Galmudug,waxaana waxgaradkii  isugu tagay xananbuuro ciidanka si buuxda ugu ogolaadeen in cidii lagu qabto qori kabaxsan midka Ciidanka adeegsanayaan in laga qaado hadii uu diido iskuna dayo inuu dagaalamo ay kudilaan wax mag ahna aan laga bixi doonin.