Thursday, April 30, 2026
HomeWararMahad Salaad oo banaanka soo dhigay qorshaha uu damacsanaa gudoomiye golaha shacabka

Mahad Salaad oo banaanka soo dhigay qorshaha uu damacsanaa gudoomiye golaha shacabka

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka wakhtigiisa dhamaaday ee aadka u diidan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhawaajiyay qorshe uu damacsan yahay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal C/raxmaan.

Mahad Salaad oo ka mid ahaa xildhibaanadii Baarlamaanka ee maanta xaadiray kulankii baaqday ee buuqa uu hareeyay ayaa bartiisa Facebook kusoo daabacay saddex arrimood oo uu damacsan yahay Maxamed Mursal, isla markaana uu la wadaagay qaar ka mid ah xildhibaanada oo u tagay inta uusan soo galin xarunta golaha shacabka.

Mahad Salaad wuxuu sidoo kale ku baaqay in hurdada laga kaco, isla markaana Farmaajo yahay balaayo hagoogan sida uu hadalka u dhigay.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD:

Gudi Xildhibaano ah oo u tagay Gudoomiye Mursal maanta intii uusan soo gelin hoolka shirarka Golaha Shacabka wuxuu u sheegay:

1. Heshiiskii 17 September in uu fashilmay!

2. Muddo kordhin inuu u samaynayo Barlamaanka iyo Farmaajo!

3. Ciidamada xarunta Golaha Shacabka la keenay in uu isagu dalbaday, lana soo badinayo.

Waxaa xaqiiqo ah in maanta cid waliba u cadahay meesha loo socdo. Hurdada halaga kaco ayaan idin leeyahay Farmaajo waa balaayo inoo hagoogane!

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe