Thursday, April 30, 2026
HomeWararKulankii Golaha Shacabka oo baaqday iyo buuq ka dhashay

Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday iyo buuq ka dhashay

Waxaa Maanta baaqday kulankii Golaha Shacabka ee la filayay in uu ka qabsoomo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho kadib markii rfuritanka kulanka ay ku kala qeyb samay Xildhibaannada.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa ahaa sida xalay farriinta loogu diray Xildhibaananda Golaha Shacabka ka hadlina caabuqa Cornavirus, hayeeshee ay sheegeen in ajandaha uu ku hoos qarsan yahay a Ajanda kale oo ah in muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha dastuurkiga ah ee dalka.

Sababaha ugu weyn ee Kulan ka Maanta uu u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay in xildhibaannada mucaaradka qaarkood ay diideen inay saxiixaan Buuga lagu xaadiriyo Xildhibaannada.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in tiro yar oo kamid ah golaha Shacabka ay arbushaad ku sameeyeen qabsoomida kulanka, waxaana jiray buuq ay sameeyeen Xildhibaannada qaarkood

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe