Thursday, April 23, 2026
HomeWararGudahaMadaxweynihii Hore soomaaliya Ee Sheekh Shariif Oo Shir Jaraa’id Ku Eedeeyey...

Madaxweynihii Hore soomaaliya Ee Sheekh Shariif Oo Shir Jaraa’id Ku Eedeeyey Dowladda Federaalka.

Shir jaraa’id oo uu saaka ku qabtay magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u dhaliilay dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Shariif ayaa ku eedeeyay dowladda inay ku fashilantay howlihii aasaasiga ahaa ee loo igmaday sida amniga la dagaalanka Al-Shabaab arrimaha ciidamada iyo qabsoomida doorashada.

Shariif ayaa walaac ka muujiyay hubkii dhawaan laga helay Caabudwaaq, gaar ahaan cunaqabateynta hubka ee dhawaan laga qaaday Soomaaliya. “Dadaallo badan ayaa loo galay sidii cunaqabateynta looga qaadi lahaa balse waxaa nasiib darro ah in ay jirto mas’uuliyad darro ah in hubkaasi uu gacanta ugu jiro shacabka dowladdana ay ku lug leedahay ciidankeeduna ay galbinayaan hub sharci darro ah” ayuu yiri Madaxweynihii hore. .

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ka hadlay doorashada dalka, isagoo ku eedeeyay madaxweyne Maxamuud inuu ka soo horjeedo doorashada maamul goboleedyada.“Waxaa noo soo baxday in Madaxweynaha uu ku yiri Madaxda Maamulada waqtigoodii wuu dhamaaday, doorashada ha ka qeyb gelin. Dawlad danteeda ka shaqaynaysa ayaa ina qaadanaysa,” ayuu Shariifku hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalka Shariifka ayaa dhaliyay muran weyn kaasoo muujinaya caqabadaha iyo xiisadaha ka jira gudaha siyaasadda Soomaaliya.

Maadaama ay ummaddu la tacaaleyso arrimahan, beesha caalamku waxay si dhow isha ugu hayn doontaa jawaabta dowladda iyo saameynta ay eedeymahani ku yeelan karaan xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

23 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe