Wednesday, April 22, 2026
HomeWararGudaha13 qof oo isbitaal la dhigay ka dib markii gaaska cuntada lagu...

13 qof oo isbitaal la dhigay ka dib markii gaaska cuntada lagu karsado uu ku qarxay deegaanka Ufeyn ee gobolka Bari.

Gaaska wax lagu karsado ayaa ku qarxay degmada Ufeyn ee gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland sida ay sheegayaan warar hoose oo aan ka heleyno qaraxan oo ka dhashay gaaska cuntada lagu karsado ayaa waxaa ku dhaawacmay 13-qof oo isku qoys ahaa sida uu sheegay guddoomiyaha degmadaasi.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah dad u soo gurmaday qoyskan kadib markii uu ku qarxay gaaska cuntada lagu karsado, waxaana la dhigay qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari si loogu daweeyo sida ay sheegeen ilo wareedyo kala duwan oo ku dhow dhow.

Axmed Abshir Saciid Guddoomiyaha Degmada Ufayn ayaa tilmaamay in gaaska cunnada lagu karsado uu qarxay, ayna ku dhaawacmeen laba qof oo isku qoys ah, halka 11-ka kalena ay yihiin dad u soo gurmaday qoyska balse ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Wuxuu intaas ku daray in bulshada looga baahan yahay wacyigelin weyn oo ah in marka ay arkaan ama ay la kulmaan xaaladahan oo kale in la baro inay ka digtoonaadaan oo la tuso sida ay wax u badbaadin karaan iyagoon naftooda dhibaato u geysan.

Cunto karinta ayaa dhowr jeer ku qaraxday dadka isticmaalaya iyadoo wacyiga bulshada laga siiyo khatarta uu leeyahay ay tahay mid yar si looga fogaado loogana hortago dhibaatooyinka xun ee ka dhalan kara marka uu qarxo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe