Tuesday, September 26, 2023
HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta furaya Kal-fadhiga Saddexaad ee labada Aqal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta furaya Kal-fadhiga Saddexaad ee labada Aqal

Waxaa Maanta oo Iniin ah lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu furo kal-fadhiga Saddexaad ee Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo labadii bilood ee la soo dhaafay fasax kujiray.

Guddoonka labada Aqal ayaa xalay Xildhibaannada ku wargeliyay in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu Madaxweynaha ka furayo Kal-fadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka.

Furitaanka kal-fadhiga ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb geli doona wafdi ka socda baarlamaanka dalka Jabuuti iyo marti hasraf kale, iyada oo siweyn loo adkeeyay amniga Magaalada muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la filayaa in furitaanka kal-fadhiga Saddexaad ee Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya uu khudbad ka jeediyo, isaga oo ka hadli doona arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe