Wednesday, November 29, 2023
HomeCayaarahaMadaxweyne ku xigeenka Galmudug oo furay tartanka cayaaraha degmooyinka Galmudug

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo furay tartanka cayaaraha degmooyinka Galmudug

Madaxweye ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa galabta Cadaado ka furay tartanka cayaaraha degmooyinka Galmudug oo ay ka qaybgalayaan 10-degmo, waxaana munaasabadda furitaanka goob-joog ka ahaa wasiirro ka tirsan Galmudug, madax ka tirsan xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, xiriirka kubadda cagta Galmudug iyo daawadayaal aad u badan.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa dhammaan martida u timid ka qaybgalka koobkan ku soo dhaweeyey Cadaado, isagoo kooxaha ka qaybgalayana kula dardaarmay inay xoojiyaan isdhexgalka bulshada iyo ilbaxnimada cayaaraha.

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Galmudug Shaacir Sheegow ayaa xusay wasaaraddu dhawr bilood tartankan ay qabanqaabinaysay, si sare loogu qaado tayada cayaaraha iyo nabadda Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa isna xusay in tartankan uu sare u qaadi doono xirfadda cayaartoyda Galmudug, islamarkaana laga xulan doono cayaaryoyda xulka Galmudug.

Degmooyinka sanadkan ka qaybgalaya tartanka ayaa kala ah Dhuusamareeb, Cabudwaaq, Balanballe, Gaalkacyo, Guriceel, Xeraale, Wisil, Baxdo, Hobyo iyo Cadaado oo tartanka martigalinaysa.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe