Home Warar Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Jabuuti & xog laga helay safarkiisa

Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Jabuuti & xog laga helay safarkiisa

188

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in Maanta oo sabti ah in ay u  duulaan dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa dalkaasi uga qeyb-galaya shir Madaxeedka IGAD oo looga hadlayo xaalada Gobolka Tigray oo dhowaan Ciidanka Milateriga Itoobiya dagaal kagala wareegeen Jabhadda TPLF iyo Arrimo.

Sidoo kale Shirka IGAD ayaa waxaa looga hadli doonaa ashtako ay  Soomaaliya ka gudbisay Kenya iyo xiisada diblomaasiyiinta ee u dhaxeysa labada dal, kaddib tallaabadii dhowaan dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk ayaa Axadii booqasho ku tagay Addis Ababa, waxaana uu sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya isku raaceen shir degdeg ah oo looga hadlayo dhibaatada ka jirta Tigray.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga la socda ayaa waxaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin dalka jabuuti inay la kulmaan Madaxda IGAD ee shirka ka qyeb-galeysa, iyaga oo kala hadli doona Arrimaha Soomaliya.