Wednesday, January 14, 2026
HomeWararMadaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Rome

Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Rome

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Talyaaniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa marka uu gaaray magaalada Roma ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay wuxuuna sheegay in Booqasho Labo Maalin ah uu ku joogayo Dalkaasi.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dalka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda dalkaasi uu la kulmi doono inta halkaasi uu joogo,iyagoo kawada hadli doono sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga Labada Dowladood oo xiriir soo jireen ah uu u dhaxeeyo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dawladda ayaa sidoo kale la kulmi doonaJaaliyadda Soomaalida ee Dalka Talyaaniga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe