Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Gondar, gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan.
Ka Hor Intii uu Sanak Tagin Goroonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Waxaa Warbaahinta Gudaha Lahadlay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada C/nuur Maxamed Axmed Waxaan uu Sheegay In Madaxweynuhu Dalka Ethobiaya Uga Qeeb Galayo Shir Sadex Geesood Ah oo Ay Yeelanayaa Dalalka Ethobiya Somaliya Iyo Erateraya
Markii uu Gaaray Madaxweyne Farmaajo magaalada Gondar, gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya Waxaa Halkaasi Ka Qeeb Qaatay Soodhaweentiisa Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ah Hoggaamiyaha Isbadellada ka socda Geeska Afrika ayaa maanta soo xirtay dhar Casaan ah oo ay xirtaan dadka Itoobiyaan xilliyadda Nabadda.
Kulan ayaa lagu waddaa in ay yeeshaan Hoggaamiyeyaasha , waxaana ay ugu dambeyntii soo saari doonaan War Murtiyeed ku aadan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

