Sunday, August 23, 2026
HomeWararMadaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo ku wajahan degaannadooda

Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo ku wajahan degaannadooda

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa howlo shaqo oo ku saabsan arimaha doorashooyinka Soomaaliya u joogay magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay Shirkii Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Dhainaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu Maanta oo Arbaco ah dib ugu laabto Caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho halkaas oo uu kaga qayb-galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka.

Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe ayaa waxaa Maanta siweyn looga dareemayaa u diyaar garoowga soo dhaweynta Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe