Home Warar Ciidamada oo looga digay dilalka dadka Shacabka ah

Ciidamada oo looga digay dilalka dadka Shacabka ah

21

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamada Ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Cabduqadir Maxamed ayaa ciidamada ku sugan Gobolka Gedo sida, booliska nabadsugida Millateriga &  Asluubta faray in ay ka fogaadaan dilka ay u geystaan dadka shacabka

Waxaa uu Ciidamada kula dardaarmay waxa qoriga loogu dhiibay in ay tahay ku difaacida shacabka somaliyeed, askarigii lagu helo inuu dilay qof muwaadin ahna la marsiinayo sharciga waxa uu ka qabo

Hadalkan kasoo yeeray Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamada Ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Cabduqadir Maxamed ayaa kusoo aadaya xilli degmooyinka luuq & Beled Xaawo lagu kala toogtay laba Askari oo dilay dad Shacab ah.