Friday, May 1, 2026
HomeWararGudahaMadaxweynaha Uganda oo shaaciyay tirada uga dhimatay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen...

Madaxweynaha Uganda oo shaaciyay tirada uga dhimatay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidamadiisa

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

Hadalka Museveni ayaa imaanaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkasi dhacay 26-kii May ay ku dileen 137 askari.

Museveni ayaa sidookale sheegay in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe