Monday, April 20, 2026
HomeWararGudahaMadaxweynaha soomaaliya oo Culimada ugu baaqay inay Dowladda ku taageeraan dagaalka ka...

Madaxweynaha soomaaliya oo Culimada ugu baaqay inay Dowladda ku taageeraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka sanadlaha ah ee culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay culumaa’udiinka in ay xoojiyaan dadaallada dowladda ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo la dagaallanka xagjirnimada gacan ka hadalka ah iyadoo la kobcinayo wacyiga bulshada. Shirkan oo ka dhacay magaalada Muqdisho hal-ku-dhiggiisuna ahaa “Hal Soomaali ah” ayaa billowday Isniintii, wuxuuna socon doonaa muddo saddex maalmood ah.

Madaxweyne Maxamuud ayaa ku nuux-nuuxsaday doorka muhiimka ah ee culumaa’udiinka ee ku aaddan taageeridda dowladda dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo horumarinta midnimada qaranka. Wuxuu kula dar daarmay ka soo qeyb galayaasha in ay ka faa’ideystaan ​​barnaamijyadooda si ay bulshada ugu wacyi galiyaan qatarta ay leedahay xagjirnimada iyo muhiimada ay leedahay isku xirnaanta Soomaalida.

Shirkan oo soconaya sanadkii labaad ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta midnimada iyo wadajirka dalka. Iyadoo la isugu yeerayo culumaa’udiinka ka kala socda guud ahaan Soomaaliya, munaasabadda ayaa ujeedadeedu tahay in la xoojiyo xiriirka bulshada iyo in wax laga qabto caqabadaha joogtada ah ee ay geysanayaan kooxaha xagjirka ah.

Baaqa waxqabad ee Madaxweyne Maxamuud wuxuu ka tarjumayaa istaraatiijiyad ballaadhan oo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada lagaga qaybgelinayo dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada iyo marxaladda dagaalka fikirka si loo dhiso qaran isku xidhan oo adkaysi leh. Ku lug lahaanshaha culimada ayaa loo arkaa in ay laf dhabar u tahay abaabulka taageerada bulshada iyo faafinta fariimaha muhiimka ah ee ku saabsan nabadda iyo xasilloonida.

QORAALADA LA XIRIIRA

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe