Friday, May 1, 2026
HomeWararMadaxweynaha Soomaaliya oo booqday xarunta ciidamada cirka ee dalka Eritrea oo ku...

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday xarunta ciidamada cirka ee dalka Eritrea oo ku taalla magaalada Asmara

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa maanta booqday cutubyo ka tirsan ciidamada cirka Soomaaliya oo tababar gaar ah ku qaadanaya xarunta dhexe ee ciidamada cirka dalka Eritrea ee magaalada Asmara.

Dhowr askari oo Soomaali ah ayaa tababar ciidan ugu soo gaba gabeeyay dalka Eritrea, waxaana ay ku biireen howlgallada adag ee ka socda dalkaas ee lagu ciribtirayo amniga, gaar ahaan dagaalyahannada Al-Shabaab ee khatarta ku ah ammaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay qasriga Madaxtooyada Asmara kula kulmay Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki oo labada mas’uul ay ka wada hadleen danaha labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, amniga, ciidamada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay taageerada ay Eritrea ka siiso dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, isagoo ku tilmaamay mid muujineysa in ay si weyn u garab taagan yihiin bulshada Soomaaliyeed iyo qarankooda.

Madaxweyne Afweki ayaa dhankiisa tilmaamay xiriirka jira iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal taasoo muujineysa baahida loo qabo in la ilaaliyo xiriirka xooggan ee faa’iidada u leh labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer u muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka xooggan ee jira iyo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo dadkooda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe