Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa burburiyay fariisimo dhowr ah oo ay ku lahaayeen degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada isku dhafka ah ayaa beegsaday degaano ka tirsan Beera Yabaal oo dhanka waqooyi kaga beegan Buula Burte, halkaasoo la sheegay in ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Howlgallada ayaa sababay in la baabi’iyo goobo badan oo ay isticmaalayeen kooxda xagjirka ah.
Gaashaanle Naqiib Cabdullaahi Xirsi Taliyaha Guutada 8-aad ee guutada 18-aad ee Gorgor, iyo Gaashaanle Dhexe Cali Cadde, Taliyaha guutada 291-aad ee guutada 29-aad ee Daljir, ayaa horkacayay howlgalkaasi oo si guul ah u gaaray. “Dhowr goobood oo Al-shabaab ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku yaalla deegaanka Beera-Yabaal oo ka tirsan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa la burburiyay,” ayay dowladdu sheegtay.
Saraakiisha hogaamineysa howlgalkan ayaa ku nuux nuuxsaday in ay ka go’an tahay sii wadida howlgalada nuucaan oo kale ah si looga hortago weerarada iyo dhagarta Al-Shabaab mustaqbalka.

