Friday, October 30, 2026
HomeWararGudahaMadaxweynaha Somaliland oo saaka u safray dalka Boqortooyada Qatar

Madaxweynaha Somaliland oo saaka u safray dalka Boqortooyada Qatar

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa saaka safar ugu baxay dalka Boqortooyada Qatar, waxaana uu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland ee dalkaas booqda.

Ilaa hadda, madaxtooyada Somaliland kamay hadal safarkan, mana cadda ujeeddada rasmiga ah ee safarka, hase yeeshee waxa la filayaa inuu la xidhiidho arrimo dhaqaale, maadaama madaxweynuhu muddooyinkii u dambeeyay ka raadinayay waddamada Carabta fursado maalgashi.

Safarka waxa ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Lataliyaha Gaarka ah ee Arrimaha Dhaqaalaha.

Safarkani waxa uu ku yimi si lama filaan ah, maadaama aanu hore u jirin xidhiidh rasmi ah oo ka dhaxeeyay Somaliland iyo Qatar, oo ka mid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya ku leedahay waddamada Khaliijka.

Waxa la xasuustaa in Somaliland ay sanadkii 2017 la safatay waddamada Imaaraatka Carabta iyo Boqortooyada Sacuudiga, xilligaas oo ay dalalkaasi cunaqabatayn siyaasadeed iyo dhaqaale kusoo rogeen dalka Qatar.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo markaa safar ku joogay Imaaraatka Carabta, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Somaliland ay garab taagan tahay Imaaraatka, isla markaana ay taageersan tahay cunaqabataynta lagu soo rogay Qatar, oo lagu eedeeyay inay maalgeliso argagixisada.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha xidhiidhka dhow la leh Soomaaliya, arrintaasina oo laga yaabo inay adkayso in Dooxa iyo Hargeysa yeeshaan xidhiidh diblumaasiyadeed oo rasmi ah ama ay is-weydaarsadaan xafiisyo matalaadeed.

Haddaba, waxa la sugayaa sida loo qaabilo Madaxweynaha Somaliland iyo natiijooyinka kasoo baxa safarka uu ku tegay Qatar, oo ah dal aan hore xidhiidh ula lahayn Somaliland.

Previous article
Next article
Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si rasmi ah u bilaabaya howlgaladiisa 1-da Luulyo 2025, isaga oo si buuxda ula wareegaya mas’uuliyadda amniga ee uu wareejinayo hawlgalka ATMIS. AUSSOM ayaa la aasaasay 1-da Janaayo 2025, waxaana oggolaaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo lagu waddo in howlgalka uu yeesho illaa 12,000 oo askari oo isugu jira ciidamo milatari iyo 680 boolis. Qorshuhu waa in tiradaas si tartiib tartiib ah loo dhimo dhamaadka sanadka 2025. Si kastaba ha ahaatee, AUSSOM waxa uu wajahayaa caqabado dhanka dhaqaalaha ah, isagoo u baahnaa $90.4 milyan intii u dhaxeysay Janaayo ilaa Juun 2025, balse la helay kaliya $16.7 milyan – taasoo keenaysa in la waayo lacag dhan $73.7 milyan. Si loo helo dhaqaale joogto ah, Qaramada Midoobay ayaa oggolaatay hannaan maalgelin isku dhaf ah oo u oggolaanaya in ilaa 75% miisaaniyadda sanadlaha ah ee AUSSOM laga bixiyo qoondada UN-ka laga bilaabo 1-da Luulyo 2025. Ka hor bilaabashada rasmiga ah ee howlgalka AUSSOM, ciidamada AUSSOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed (SNAF) ayaa dib u qabsaday tuulooyin istiraatiiji ah oo ay Al-Shabaab horey u maamulaysay. Hawlgal wadajir ah oo socday saddex maalmood bishii Juun, oo lagu magacaabo “Silent Storm”, ayaa lagu xoreeyay tuulooyinka Anole iyo Sabiid. Bayaanka kasoo baxay AUSSOM ayaa lagu sheegay in ujeeddada hawlgalkaasi ahayd “in laga xoreeyo meelaha ay gacanta ku hayaan kooxaha argagixisada. Sarreeye Guuto Joseph Ssemwanga, oo ah taliyaha Qeybta Koowaad, ayaa sheegay in Sabiid iyo Anole ay noqdeen goobo istiraatiiji ah tan iyo bishii Maarso, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ka abaabusho weerarro halis ah, ku kaydiso hub iyo gaadiid qaraxyo laga buuxiyay, sidoo kalena ay ka sameysteen baro kontaroolo sharci darro ah.
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe