Friday, April 18, 2025
HomeWararMadaxweynaha Puntland oo shuruud ku xiray Magacaabida Xubnaha Guddiga doorashooyinka

Madaxweynaha Puntland oo shuruud ku xiray Magacaabida Xubnaha Guddiga doorashooyinka

Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal waxaa weli uu kulan uga socdaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusee Rooble & Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka oo maalintii labaad galay ayaa waxaa jira isfaham-waa la xiriira Magacaabista Puntland ee guddiga doorashooyinka, iyada oo ra’iisul wasaare Rooble uu dalbaday in Puntland soo magacawdo Guddiga oo Muqdisho loo soo diro kadibna la wada hadlo, wixii qaldana la saxo.

Halka Wararka la helay ay sheegayaan in Madaxweyne Deni uu shuruud ku xiray magacaabida Guddiga, isla markaana dalbaday in la xaliyo arrinta Gobolka Gedo iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada ee muranka ka taagan yahay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku adkeysanaya in marka hore la fuliyo shirkii Muqdisho wixii lagu heshiiyay, arrinta Gobolka Gedo shir gaar ah looga hadlo, dhowaan shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada la qaban doono.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe