Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Magaalada Kismaanyo kulan kula qaatay Qeybaha kala duwan Bulshada kasoo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed ee ku nool Magaalada Kismaayo.
Qaar kamid ah Bulshada uu la kulmay ayaa Madaxweynaha u gudbiyay hadii ay jiraan caqabado heysta, iyaga oo sidoo kale ku amaanay sida uu u jecel yahay in dadka ay is dhexgalaan mar walbana ay garab taagan yihiin.
Xubnaha Golaha Wasiirada ka socday labada dowlad Goboleed ee kulanka goobjoga ka ahaa ayaa waxaa ay ku booriyeen labada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed inay adkeeyaan is dhexgalka Bulshada iyo iskaashiga labada Maamul.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa waxaa la filayaa in uu sii wado kulamada, sidoo kalena safarkiisa uu deg deg u soo geba gabeeyo si uu uga qeyb galo munaasabadda Saddex Sano guuradii kasoo wareegtay doorashadiisii oo ku beegan 19 Bishan December.

