Saturday, June 27, 2026
HomeWararAl-Shabaab oo weerar ku dilay Askar ka tirsan Ciidanka Kenya

Al-Shabaab oo weerar ku dilay Askar ka tirsan Ciidanka Kenya

Weerarka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa askar ka tirsan Ciidamada Kenya lagula beegsaday inta u dhaxaysa tuulooyinka Sarmaan iyo Dhaaydhaay oo hoostaga degmada Ramo oo hoostaga Magaalada Mandheera.

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidanka Booliska Kenya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa ka dhacay halka uu ka dhacay weerarka, waxaana jira khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerakaas, waxaana warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera lagu sheegay in  weerarkaas ay ku dileen Saddex Askari, sidoo kalena ay ku furtaan Saanad Ciidan oo ay ka tageen Ciidamada Kenya walow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkaas, waxaana uu kusoo aadayaa xilli dhawaan weerar ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari ay ku dhinteen Askar Kenyan ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe