Saturday, March 22, 2025
HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Booqday Baraawe

Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Booqday Baraawe

Wafdi ballaaran oo uu hor kacayo Madaxweynah Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Maanta gaaray Magaalada Baraawe ee caasimadda maamulkaasi.

Waxaa safarka Madaxweynaha qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed , C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Suldaan Xeydar Suldaan Suufi Suldaan Munye iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne, Lafta gareen, ayaa ka mahad celiyay sidii wanaagsanayd ee loogu soo dhoweeyay halkaasi, isagoo xusay inuu Baraawe kula kulmay Dad u bisil Dowladnimada iyo maamul wanaagga.

“Waxaa si wanaagsan noo soo dhoweeyay Shacabka Degmada Baraawe oo ah Dad aad ugu bisil Dowladnimada iyo maamul wanaagga”, ayuu yiri Madaxweyne, Lafta gareen.

Madaxweynaha ayaa booqday goobo dhowra oo uu ka mid yahay Garoonka Diyaaradaha magaalada Baraawe oo weli uu socdo dhismahiisa, wuxuuna sheegay in waqti dhow lasoo geba-gabeyn doono howlahiisa.

Mudane, Lafta gareen, ayaa muhiimadda safrkiisa ku tilmaamay inuu Indha-Indheeyo Gobolka Shabeellada hoose, isagoo Shacabka u ballan qaaday inuu booqan doono dhammaan degaannada maamulka Koofur Galbeed, isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii laysugu furi lahaa degaannada kala xiran loogana xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe